Saakay arroortii ayaa waxaa deegaanka Ceel-afweyn iyo tuulooyin kale ee Gobolka Sanaag waxaa ka bilaawday dagaal khasaaro geystay oo u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalakas oo ah mid soo lab laabtay,ayaa waxaa dadka deegaanku waxa ay sheegayaan in uu yahay mid culus,isla markaana khasaaro farabadan uu ka dhashay,waxana hadda Maamulka Soomaaliland uu wada qorsho uu dagaalkaas ku joojinayo.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in dagaalkaas sideg deg ah loojoojiyo.
Waxaa kaloo uu sheegay in awood walba laรขโฌโขisugu-geyn doono halka uu dagaalkaas ka socdo,isla markaana sixoog ah lagu jooji doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.