Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ehelada Caasha Ilyaas Aadan + Sawirro

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ehelada CAASHA ayaa waxaa hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah Caasha Aabaheed, waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiiru dowladha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Saharciga, Xasan Yuusuf Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Saciid Deni iyo Ehelada Marxuumada.  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media