Dhageyso:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay kulan deg deg ah+Sawirro

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta kulan deg deg ah yeeshay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,waxaana shir guddoomiyay Madaxweynaha Maamulkaas  Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay laba qodob oo kala ahaa dhinaca amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka dhawaan ku soo fool leh Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Mamulka koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa sheegay in kulanka marka hore tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay 13-kii Bishaan Magalada Baydhabo,isla markaana waxyeelada ay ka soo gaartay dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in siwyn leyskula falan qeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga,sigaar ah xilliyada doorashooyinka.

Isaga oo shirkaasi ka warbixinayay ayuu sheegay in 17 Bisha soo socota ee November ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana leysla gartay in ay si wanaagsan u dhacdo.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed kana Daawo Sawirrada

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor