Dhageyso:-Madaxweynaha Jubbaland oo degmada Afmadoow kaga Dhawaaqay dagaal ka dhan ah Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa weli ku sugan degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo uu ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshihiisa koobaad ee degmada Afmadow uu yahay sidii Jubbaland u bilaabi laheyd dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,qorshahaas oo uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubbada dhexe oo ah Caasimadda Maamulka Jubbaland,isla markaana ay Shabaab maamulaan.

Si kastaba Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada,waxaana dhowr mar u ku cel celiyay in Shabaab ka saari doonana deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor