Dhageyso:-Madaxweynaha Jubbaland oo amar dul dhigay Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulkaas

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay ha’adaha ka howlgalla deegaanadadooda ay xaliyaan baahiyaha ay qabaan Bulsahda ku nool deegaanadaas.

Waxa uu sheegay in asyan muhiim aheyn in ay hay’adahu ay isugu daraan Sahqooyin horay loo qabtay balse ay muuhim tahay in ay qiimeeyaan baahida jirta kadibna ay Bulshada wax u qabtaan.

Waxa uu madaxweyne Axmed Madoobe ku amray hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Jubbaland in tallaabo kasto oo ay qaadayaan in ay maamulka ku wargeliyaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu soo dahweynayo cidkasta oo dooneysa in ay wax u qabato bulshada ku nool deegaanada Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media