Dhawaan waxaa Hay’ada Farsight Africa Research oo kaashaneysa hay’ad Caalami ah oo la yiraahdo IPSOS waxa ay soo bandhigeen kalsoonida xilligaan Shacabka ku qabaan Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Ra’iidul Wasaaraha dalka,kadib cilmi baaris ay sameeyeen.
Hadaba Madaxda Hay’addii Cilmi Baarista ku soo bandhigtay hoos u dhaca taageerada Madaxda Dowladda ayaa waxa ay sheegeen inay cadaadis xooggan kala kulmayaan dowladda iyo mucaaradka intaba.
Guddoomiyaha Hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in daraasadaas laga sameeyey Magalooyinka Garoowe, Muqdisho, Cadaado, Beledweyne iyo Magaalooyin kale.
Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay eedeyn kala kulmayaan Dowladda iyo Mucaaradka dowladda intaba.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan.