Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed jenaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa marka hore faah faahin ka bixiyey  eedeeysanayal 10  qof gaaraya oo ka shaqeynayey  Kastamka canshuuraha Dekedda Muqdisho kuwaa oo loo xiray musu maasuq.
Jenaraal Bariise ayaa sheegay in mas’uuliyiintaas ay yihiin kuwo loo heysto fal la xiriira musuq maasuq,isla markaana baaritaano ay kau socdaan,hayeeshee uu sheegay in horey digniin loogu jeediyey.
Sidoo kale waxa uu uga digay cidkasta oo ka shaqeysa Hay’adaha kala duwan ee dowladdain ay ku kacdo musuq maasuq ama xatooyo xoolo dadweyne,waxa uuna sheegay in ciddii lagu arkaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay waday la-xisaabtan dhanka mas’uuliyiinta ah,waxana xiran in ka badan 15 Mas’uuliyiin kala dwuan oo ka Shaqeeya Hay’adaha dowladda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha hogaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska Soomaaliyeed.