Dhageyso:-Madaxda Dowlad Goboleedyada oo farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa Maalinta 1aad ee ciidul fidriga ugu hambalyeeyey Shacbaka Soomaaliyed gaar ahaan kuwa deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe,ayaa ugu baaqay Shacabka in ay is cafiyaan,isla markaana ay ka wada shaqeeyaan amniga maadaama uu muhiim u yahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa dhankiisa waxa uu hambalyo iyo dardaaran u jeediyey Shacaka ku nool deegaanada Galmudug.

Waxaan halkaan munaasabada Ciidul-fidriga awgeed ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha Galmudug ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Mid la mid ah hambalyadaas iyo dardaaran waxaa Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanada Koonfur Galbeed u jeediyey Madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“waxan hambaliyo u diraya dhaman musliminta melkasta ay dunida ka joogan gaar ahaan waxan hambaliyo u diraya shacabka konfur galbeed,waxana leyahay kulu cami wacantum bikheyr allow ciidan ciideda anaago nabad ah na gaarsii insha allah aana isku duceyno insha allah aan isku niya furanano si aan wanag iyo hormar u gaarno insha allah.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Maalinta 1aad ee ciidul fidriga ugu hambalyeeyey Shacabka ku nool deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay Ciidamada iyo Shacabka Puntland in ay iska difaacaan cadaw ku soo duulay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media