Dhageyso:-Maamulka M/Jowhar iyo Darawalada Mooto Bajaajta oo isku-khilaafay Ammar Maamulka ka soo baxay

Dhawaan waxaa amar soo saaray gudoomiyaha Magaalada Jowhar,amarkaas oo ahaa in Haweenka aysan Mooto bajaajka ka raaci Karin dhinaca hore oo ku dhow Darawalka,waxana arrintaasi isku-fahmi la’ maamulka degmada iyo Darawalada Mooto Bajaajka.

Qaar ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajta ee ka Shaqeysta Jowhar ayaa waxa ay sheegen in amarka Maamulka ka soo baxay uu yahay mid wanaasgan balse mida dabasocota ay tahay in Maamulku ay yareeyaan Canshuurta faraha badan oo ay ka qaadaan Darawalada mooto Bajaajka.

Weli wax jawaab ah kama bixin Maamulka degmada hadalka ka soo baxay Darawalada Mooto Bajaajta,iyada oo Johwar ay ka Shaqeyaan in ka badan 500 oo Mooto,waxana tani u muuqataa khilaaf horleh oo soo kala dhexgalay Maamulka degmada iyo Darawalada Mooto Bajaajta.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media