Dhageyso:-Maamulka G/Shabellaha Hoose oo faah faahiyey weerarkii lagu bur buriyey Buundada D/Qoryooley

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey falkii Caawa ay Al-Shabaab ku bur buriyeen kadib markii ay miino ku xireyn Buundada degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelleha Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in gebi ahaanba buundada ay burburtay,sidoo kalena taasi ay sababtay in tuulooyin farabadan iyo degmada qoryooley ay kala go’aan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shalay Al-Shabaab isku dayeen in ay buundadaas bur buriyaan balse Ciidamada dowladda ka hortageen,balse Caawa ay qarxiyeen buundada oo ay isticmaali jireyn Gawaarida ka timaada Kismaayo iyo deeganada kale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dhawan buundadaas ay ku bilaabi doonaan dhismo maadaama sida uu sheegay ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo Gaadiidka deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin burburinta lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor