Dhageyso:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo War ka soo saaray weerar Ciidamo Somali iyo Mareykan fuliyeen

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyay weerar qorsheysan oo Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ka fuliyeen Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo 12km u jira degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo ay Gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Shabaab,hayeeshee dad Shacab ah aan waxba lagu gaarsiin.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in deegaanka Hantiwadaag ay Shabaab kasoo abaabuli jireen,weerarada,balse macadeyn tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerarkaas,waxana u sheegay inay dib ka faah faahin doonaan.

Dhinaca kale Shabaab oo weerarkaas ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay dad Shacab ah ku dileen Guryana ku gubeen weerar ay ku qaadeen deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor