Dhageyso:-Maamulka G/Shabeellaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay weerarkii Awdheegle

Ciidamada dawlada Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe  waxa ay  weerar ku qaadeen degmada Awdheegle oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay inay howlgalkaas ku soo qabteen walxaha qarxa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada goobta weeraray ay adeegsanayeen ciidamada dhulka iyo waliba diyaarado dagaal.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan ay ku bur buriyeen goob qaraxyo lagu diyaarinayay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale la bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab Canshuurta ku qaadi jiray,isla markaan ay la warheleen in ay Al-Shabaab weeraro qorsheynayeen.

Dhageyso Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor