Dhageyso:-Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo ka hadlay amniga Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed faal) ayaa ka hadlay amniga Wadada u dhexeeysa Magaalada Muqdisho iyo Jowhar.

Guddoomiye Axmed faal oo la hadlay Warbaahinta Dalsan ayaa sheegay in qorshaha  sugida amniga Wadadaasi weli uu taagan yahay,isla markaana sidii wax looga qaban lahaa amniga wadada ay u gudbiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda iyo dowlada Dhexe.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ka maamul ahaa ay dowlada Federaalka u gudbiyeen sida lagu xalinkaro amniga Wadada xiriirisa Muqdisho Iyo Jowhar oo ay weeraro ka geystaan Al-shabaab.

Wadadda isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr Jeer oo horey Al-shabaab ay uga fuliyeen weeraro dhabo-gal ahaa ,kuwaasi oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamada AMISOM,waxaana halkaasi shalay deegaan ku yaalla oo lagu magacaabo Ilbaq qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media