Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo la wareegaya Amniga Garoomada Salaxa kadib Warkii ka soo baxay Shabaab

Xubno uu horkacayay gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer waxa ay ku tageyn Garoomada lagu Ciyaaro Kubada Cagta Salaxa ee ku yaallo degmada yaaqshiid kadib wararka shaagayay in Garoomadaas la xiray.

Maalmihii la soo dhaafay ayay Bulshada Sooamaliyeed hadal hayeen in qaar ka mid ah Milkiilayaasha Garoomada Salaxa ay Al-Shabaab ku amreen in ay joojiyaan Ciyaaraha Kubada Cagta laakin taas Wasaaradda Amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka jawaabeen.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed( Tuulax) ayaa sheegay in waxba uusan ka jirin warka sheegaya in la xiray Garoomada Kubada Cagta Salaxa ee degmooyinka Gobolka Banaadir balse ay jiraan milkiilayaasha qaar ee la soo wacay.

Waxa uu sheegay in hadii ay amnigooda u baqaan Milkiilayaasha  ay amniga Garoomadooda la wareegi doono maamulka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Geedow ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in u been abuur yahay wararka sheegaya in Garoomada Kubada Cagta degmadaasi ay Al-Shabaab xireyn.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka gobolka Banaadir iyo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.

gudoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka gobolka Banaadir

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media