Dhageyso:-Kulankii ugu horreeyey ee xasilinta Amniga oo ka furmay Baladweyne

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay kulan looga hadlayo xasilinta dhanka amniga ee deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle,waxana kulankaas soo qaban qaabiyey Wasaaradaha  Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa  waxaa goobjoog ka ahaa,Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka,masuuliyin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed,iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Hir-Shabeelle Maxamed Deyrow ayaa sheegay in la hormarin doono deegaanada iyo degmooyinka Maamulka Hir-Shabeelle,isla markaana,isaga oo sharaxay ujeedka kulanka Maanta ee Magalada Baladweyne.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufurow ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in kulankan uu yahay kii ugu horreeyey ee ka dhaca deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle,waxa uuna sheegay in uu ahaa kulankaan mid looga hadlayay sidii Bulshada iyo Maamulka ay u wada tashan lahaayeen.

Kulanka xasilinta ee Maanta ka furmay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa uu socon doonaa mudo Saddex Cisho ah,waxaana gaba gabada kulankaas laga soo saari doonaa qodobo muhiim ah.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Mas’uuliyiinta.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada Hir-Shabeelle Maxamed Deyrow.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufurow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor