Waxaa soo baxaya khilaaf xilligaan soo kala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug,kuwaas oo isku khilaafay Dastuurka uu ku Shaqeyn doono Galmudug iyo kadib markii Xildhibaannada loo qeybiyey iyo heshiiskii Jabuuti.
Shir Jaraa’id uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu marka kaga hadlay in la jebiyey heshiiskii dalka Jabuuti ay ku wada gaareen Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna.
Waxa uu sheegay in qodobadii heshiiskaas ee la jebiyey ay ka mid ahayeen in la badiyey tirada xildhibaannada ee Maamulka Galmudug in Madaxda Galmudug uu waqtigoodu yahay Afar Sano oo hadda hal Sano kaliya ay ka harsan tahay balse ay u muuqato in Afar kale ay doonayaan in ay sii maamulaan Galmudug.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka Galmudug ee shalay xildhibaannada loo qeybiyey intiisa badan ay ku jiraan qodobo aan macquul aheyn,isla markaana qaarkood aan waafaq saneyn Dastuurka Soomaaliyas dia horay loogu heshiiyey.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hab qeybisigii Beelaha aan sidii saxda aheyd an loo marin,isla markaana Beelo qaarkood horay u lahaa 8 Xildhibaan hadda lasiiyey 16 xildhibaan.
Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay Guddoomiye Cali Gacal Casir in ay soo farageliyaan si loo saxo heshiiskii Jabuuti ee Ahlusunna iyo Galmdug.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee guddoomiye Cali Gacal Casir.