Dhageyso:-Khilaaf soo kala dhexgalay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle

Kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed oo ku sugan Magaalada Muqdisho uu Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ku wargeliyay in uu Kal-fadhiga Golaha uu xiran yahay,hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka dhashay Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Guddoonka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa amarkaas uu bixiyay Guddoomiye  Cismaan Barre ka hortimid,isla markaana sheegtay in fadhiga golaha uusan xirikin qof ka maqan Hirshabeelle kuna sugan meel ka baxsan.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay Canab Axmed Ciise in ay maqashay fariimo loo soo xiray Xildhibaanada oo lagu wargelinayo in la xiray Kal-fadhiga Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigaanka Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise in xustay in Baarlamaanka uusan xirneyn,isla markaana waxaa ay ugu baaqday Guddoomiye  Cismaan Barre in uu yimaado Caasimadda Jowhar,kadibna iyadoo la isla jiro uu soo xiro fadhiga Golaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Sikastaba Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media