Dhageyso:-Khilaaf soo kala dhex galay Guddoomiyaha G/Hiiraan iyo ku xigeenkiisa

Waxaa haatan soo shaac baxay khilaaf Cusub oo soo kala dhex galay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Cabdi Kariin Maxamuud Taakooy.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ka hor yimid nidaamka dowliga ah,isla markaana uu yahay kaligii talis,hayeeshee waxaa arrinkaasi beeniyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Dabageed oo la hadlayay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho  ayaa sheegay in uusan la socon khilaaf kala dhaxeeya ku xigeenkiisa,waxaana uu ku hanjabay in uu tallaabo ka qaadi doono Guddoomiye Taakow.

“Dowladnimo kala dambeyn iyo xukun ayay leedahay,aniga wixii Hiiraan ka jira aniga ayaa madax u ah,hadii aan ceel ku shubaayo iyo hadii aan Jano gelinaayo aniga ayaa leygaga dambeynaayaa,balse hadda Idaacad uga hadli maayo balse dowladnimo ayaan tallaabo uga qaadi doonaa ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Khilaafka la sheegey in uu ka dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa ayaa la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira Hayadaha Amniga Gobolka Hiiraan wallow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u sheegay in waxkasta isaga looga dambeynaayo.

Hoos Ka Dhageyso Warbiixnta Warkaan iyo Wariyaheena Cabdi Waxiid.

Comments
Loading...