Shalay gelinkii dambe waxaa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo dhuusamareeb ka kala furmay tartanka Kubadda Cagta degmooyinka Galmudug,waxana la sheegay inuu jiro khilaaf ka dhashay tartaankaas.
Furitaanka tartanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,iyada oo ay daawanayeen boqolaal ka mid ah Shacabka ku kala nool Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug ahna kusimaha Wasiirka oo aan wax ka weeydiinay khilaafkaas ayaa qiray in degamda dhuusamareeb Ciyaartoydooda ay ka maqan yihiin tartanka ka furmay magaalada gaalkacyo.
Abshir Cabdi Sheekhoow Wasiir Ku Xigeenka ahna ku simaha Wasiirka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in uu jiro xoogaa mad amdow ah,isla markaana uu rajeynayo in Ciyaartoyda degmada dhuusamareeb ay tartanka ku soo biiraan.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay ku mashquulsaneyd isku-darkii Galmudug iyo Ahlusunna,laakin aysan jirin wax khilaaf ah oo ka jira tartankaas marka laga reebo cilado farsamo oo uu sheegay inay jiraan.
Dhinaca kale Magalada Dhuusamareeb ayaa iyana waxaa ka bilaawday tartanka Kubadda Cagta degmooyinka Galmudug,waxaana ciyaartii ugu horeysay ay shalay dhexmartay Kooxaha degmooyinka Cadaado iyo dhuusamareeb.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug.