Dhageyso:-Khasaaraha ka dhashay qarixii Xarunta degmada Howl-Wadaag+Sawirro

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qarixii gaariga loo adeegsaday ee Maanta Barqadii lagu weeraray Xarunta Maamulka degmada howl-Wadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Gaariga ayaa sida ay goobjoogayaal sheegeen in lagu dhuftay Albaabka hore ee Xarunta Maamulka degmada,waxaana dadka dhintay la sheegay inay isugu jiraan Shacb iyo Ciidamo.

Mas’uuliyiinta Gawaarida Gurmadka deg dega ee Ambalaasta ayaa wax ay shaaciyeen inay qaadeen dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 15 kale oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeelboobay qaraxaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isna waxa uu sheegay inay qaraxaasi ku geeriyoodeen saddex Askari iyo mid ka mid ah haweenka qaabilsan baaritaanka Haweenka galaya Xarunta degmada Howl-Wadaag.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee maamulka degmada Howl-Wadaag oo Saxaafada kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa markii uu dhacayay uu ku jiray Gudaha Xarunta,isla markaana uu dhaawac soo gaaray guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Howl-Wadaag.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor