Dhageyso:-khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay Magaalada Gaalkacyo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Kaalin shidaal oo ku taal magaalada gaalkacyo ee gobalka Mudug,masuuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay I uu jiro khasaare lixaad leh oo ka dhashay.

Masuuliyiintu waxa ay cadeeyeen in dabka oo ka kacay kaalinta shidaalka in uu kusii faafay goobo kale oo ku dhegan taasna sabab u tahay magaalada oo aan laheyn dab damisyo ku filan,waxaana ay u mahad celiyeen shacabka oo isku xilqaamay sidii loo bakhtijin lahaa dabkaas.

Goobta uu dabku ka kacay ganacsatii lahaa waxa ay sheegen in ay hanta badan uga gubatay laakiin haatan aysan xog faahfaahsan ka bixin Karin dibna ay kasoo sheegi doonaan khasaaraha soo Gaaray ganacsigooda.

Halkan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media