Dhageyso:-“Jubbaland”waa uu socdaa qorshihii lagu ciribtiri lahaa Al-Shabaab

Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa ku goodiyay in Ciidamada Jubbaland ay haatan bilaabi doonaan howlgalo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab iyagoo kaashana Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.

Xasan Ciraaqi oo kamid ah saraakiisha ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay WarBaahinta u sheegay in dagaal dhex maray ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab ay ciidamadu guulo weyn ka soo hooyeen islamarkaana ay ku dileen rag ka tirsan Al-Shabaab kuwo kalena ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Jubbaland ay diyaar u tahay ciribtirka Al-Shabaab iyadoo kaashaneysa Shacabka Jubbaland oo ay waxyeelo u geesteen sida u hadalka u dhigay.

Sikastaba hadalka Sarkalkaan aya ku soo aadaya xili habeen ka hor Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Lugloow oo hoostaga Kismaayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media