Dhageyso:-Jubbaland oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in ay qorsheyeen howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo laga fulinayo deegaano ka mid ah Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee deegaanada Waqooyiga Magalada Kismaayo Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa sheegay in hwolgalkaan looga gol leeyahay sidii dib loogu celin lahaa dad ay soo barakaciyeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay waajib ka saaran tahay sidii deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland ay dib usoo celiayaan sidii dadkaasi ay sinabad ah ugu noolaadaan xilli uu Warbaahinta kula hadlayay deegaanka Buulo Gaduud ee G/Jubbada Hoose.

Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Jubbaland ayaa dhowr jeer waxa ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab wallow ilaa iyo hadda aysan ka run sheegin hadalkaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee deegaanada Waqooyiga Magalada Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media