Dhageyso:-Jubbaland oo digniin u dirtay Ganacsatada Daawooyinka

Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray Ganacsatada iyo dhaqaatiirka ka howlgasha deeganada Jubbaland,ee iibiya daawooyinka aan la hubin tayadooda.

kulankii Golaha Wasiirada Jubbaland ee shalay  ayaa lagu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka aan la hubin tayadooda ee laga Ganacsado sidoo kalena ay dhaqaatiirtu isticmaalaan.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Ganacsatada qaarkood ay keenan deegaanada Jubaland Dawooyin dhacay,hayeeshee loo baahan yahay in laga hortago.

Waxa uu sheegay Wasiirka in aan marnaba la ogolaan doonin in dadka laga iibiyo dawooyin aan la hubin tayadooda,hayeeshee uu Ganacsatada  uga digayo inay iibiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor