War-saxaafadeed ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qoraalkii dowlada Kenya ku amartay in danjiraha Soomaaliya u joogay dalkaasi uu isaga baxo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale dowlada Soomaaliya waxa ay sheegtay in qoraalka ay soo saartay Kenya ay ku jiraan qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab.
Hoos ka Dhageyso War-saxaafadeedka kasoo baxay dowlada Soomaaliya