Dhageyso:-Madaxweyne Isbaarada laga qaaday labada Shabeelle mid ka daran ayaa taala Madaxtooyada”

Cabduqaadir Sheekh Caamir Cumar oo horay dhanka Maaliyada uga soo Shaqeeyay Dowladdii uu Madaxweyne ka ahaa Allaha U naxariistee Cabdullaahi yuusuf Axmed ayaa ka hadlay qorshooyinka kala duwan ee xiligan dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalka ka wado.

Cabduqaadir ayaa sheegay in qorshaha ay wado dowladdu uu yahay mid wanaagsan balse ay jiraan dad weli jecel musuq maasuq kuwaas oo ku sugan Xafiisayda waaweyn ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa u sheegay in dhacooyin badan oo aad looga xumaado uu kala kulmay Xafiisyada qaar ee madaxda dowladda waxaana madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu arintaas iyo dhibaatada weli ka jira Xafiiska dowladda dhexdeeda uu wax ka qabto.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray dowladan ay tahay dowladii Shacabka islaamrkaana Madaxweynaha uu wax ka qabtay dhinacyadii ugu darnaa oo ay ka jiifeen dowladihi ka horeeyay balse hadii uu qaaday Isbaaardii taalay labada Shabeelle mid ka daran ayaa taala Xarunta Madaxtooyada.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media