Maalmihii  la soo dhaafay ayaa banaanbax cabasho waxaa dhigayay Shacabka ku nool  ka soo horjeedka Saldhigga Dowladda Turkiga ay ka dhistay Muqdisho,iyaga oo ka cabanayay in dhulkooda lagu wareejiyay dowladda turkiga si uu uga dhiso Xarun uu ku tababaro Ciidamada Dowladda.
17,kii Bishii la soo dhaafay ee Fabaury ayaa dhulkaas waxaa dowladda Turkiga ku wareejiyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,isaga oo sheegay in uu leeyahay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya lagana dhisi doono Xarun lagu tababaro,balse waxaa arrintaas ka biyo diiday Shacabka ku nool Dhulkaas.
Maanta ayaa waxaa Xaafadaas ay dhibaatadu ka taagan tahay booqday qaar ka mid ah Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya,oo ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaamka Beelaha Mudulood iyo Xaaji Cabdi Imaam Cumar iyo waxgarad kale.
Duubabka Dhaqanka oo ka jawaabayay cabashada ka timid dadkaas,ayaa waxa ay dowladda ka codsadeen in dadkaasi loo dhibriyo isla markaana ay yihiin dad Shacaba oo mudo dhowr facah halkaasi ku noolaa waqtigaana aysan aqoon meel ay aadaan.
Waxa ay ugu baaqeen Shacabka ku nool Xaafadaas in ay isdejiyan ayna joojiyaan mudaharaadka,dowladana ay si wanagsan wax uga doonaan doonaan,waxa ayna sidoo kale Madaxda dowladda iyo Turkiga ugu baaqeen in dadkaan dhulalkaas ay sharciyo u heystaan isla markaana aan loo baahneyn in dadkaasi laga raro.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo  Sawirrada.