Dhageyso:-Howlgal saakay ka socda Magalada Baladweyne

Magalada Baladweyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa  Waaxda Canshuuraha Gobolka Hiiraan kaas oo lagu Magacaabi jiray Cismaan Cali maadeey (Ganeey).

In kastoo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta ka baxsadeen,ayaa hadana laamaha amniga Baladweyne waxa ay sheegeen inay ku raad joogaan.

Taliyaha Ciidanka xasilinta ee Magalada Baladweyne Carab Nuur oo Dalsan la hadlay ayaa sheegay in dilkaasi uu ka mid yahay dilalka ka dhaca Gobolka Hiiraan,isla markaana ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Amniga Baladweyne ay saakay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka sarkaal  ka tirsanaa  Waaxda Canshuuraha Gobolka Hiiraan.

Wararka Dalsan ka heleyso Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalka intiisa badan uu ka socdo Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladeyne oo ah halka dilka uu xalay ka dhacay,isla markaana uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga iyo isku-socodka dadka iyo Gaadiidka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka xasilinta ee Magalada Baladweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor