Dhageyso:-Halkee safarkiisa xiga uu ku tegi doonaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya?

Maanta waxaa Muqdisho lagu soo dhaweeyey Madaxweynihii hor ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii doorashadii Sanadii 2017 looga adkaaday dalka ka maqnaa.

Soo dhaweyntiisa waxaa ka qeyb qaatay Guddi dowladda Soomaaliya u xil saartay soo dhweyntiisa,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in safarka uu ku yimid muqdisho uu yahay mid uu ku doonayo in uu xog-ogaal ka noqdo xaalada Siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qorshihiisu uu yahay in wixii talo ama fikir ah oo u hayo uu dalka ku biiriyo,isla markaana uu tegi doono qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor