Dhageyso:- “Hal Buush kuma dhisno qaarna Al-Shabaab ayaa maamula Xildhibaan Geel Suge”

Todobadkii u dambeeyay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble,waxa uu magacaabay degmooyin Cusub oo ka tirsan gobolka Hiiraan taas oo dhaliilo badan ay ka timid.

Xildhibaan Maxamed Cali Xuseen (Geel Suge) oo ka mid ah Baarlaamanka Hir-Shbeelle ayaa sheegay in Magacaabista uu sameeyay madaxweyne Cosoble,ay tahay mid Sharcidaro ah islamarkaana uusan kala tashan.

Waxa uu sheegay in ay aheyd in uu kala tashado guddiga arimaha gudaha ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle si loo horgeeyo Baarlmaanka kadibna ay meel mariyaan.

“Waxad la socotaa in madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble uu magacaabay degmooyin cusub,runtii waxaan kuu sheegaya in deegaanada uu magacaabay qaarkood ay maamulan Al-Shabaab ayuu yiri xildhibaanka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media