Dhageyso:-Gudoomiye Taabit oo kormeer ku tegay Ciidamada ku sugan Koontoroolada laga soo galo Muqdisho+Sawirro

Xalay Saqdii dhexe ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed Waxa uu booqasho aan horay loosii shaacin ku tegay Koontoroolada ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin Wadooyinka laga soo galo Muqdisho.

Goobaha uu gudoomiye Taabit sigaar ah u tegay ayaa waxaa ka mid ah Koontoroolada Kaxda, Daaru Salaam, Xoosh, Siinka-dheer iyo Xarumo kale,waxana uu ciidanka u geeyay Casho iyo waxyaabo kale oo uu ku dhiiragelinayay.

Warbaahinta ayuu intaasi kadib la hadlay waxa uuna sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay in uu la qeybsado duruufaha adag oo ay ciidamdu ku shaqeynayaan sidaasna ay tahay Ciidamadu ay guulo aan la gaari Karin dalkaan ka soo hooyeen.

Waxa uu u mahadceliyay Saraakiisha iyo ciidamada har iyo habeen u taagan in ay xaqiijiyaan amniga Caasimadda iyo deegaanada ku dhow dhow.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media