Dhageyso:-Gudoomiye Taabit oo Caafimaad dibada ah u qaaday Gabar uu dhibaateeyay Askari ka mid ah Ciidanka Puntland+Sawirro

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Caafimaad dalka dibadiisa ah u qaaday Gabar lagu Magacaabo Faa’izo oo uu waxyeeleyay Askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland.

Faa’iza ayaa Askariga la sheegay in uu ku dayay fal kufis ah balse ay iska difaacday taas oo keentay in uu rasaas kaga dhufto qeybta hoose ee jirkeeda xili ay ku sugeyd Magaalada Boosaaso.

Maanta ayaa ugu dambeyn waxa loo qaaday Caafimaad dalka turkiga ah oo uu gacan weyn ka geystay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed isaga oo ku sii sagootiyay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho iyada oo ay wehlinayeen Hooyadeed iyo Aabaheed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Faa’iza asyan wanagsaneyn in ay xiligaan soo gaartay balse uu raheynayo in lageyn doono Isbitaalka ugu wanagsan Ummadda Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay u soo duceeyaan.

Askarigii Faa’izo waxyeelada u geystay oo lagu magacaabo Cabduqaadir Warsame ayaa laga soo qabtay duleedka Kismaayo xili uu halkaasi ku dhuumaaleysanayay,waxaana la geeyay Magaalada Garoowe si loogu Maxkamadeeyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media