Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari“Hadii la yiraa Jawaari ayaa wax qabsaday waxay la mid tahay Farmaajo ayaa qabsaday Madaxtooyada”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari aya muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayay eedeyntii loo jeediyey ee aheyd in Ciidamo taabacsan ay la wareegeen Xarunta Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in aysan jirin wararka laga sheegayo ee ah in ciidamadiisa ay Xarunta Baarlaamanka la wareegeen.

“Runtii warkaas waxba kama jiraan ciidamadeyda waa 11 Askari oo dharcad ay qeyb ka yihiin mana qabsan karaan Xarunta baarlamaanka aniga ayaaba leyga celiyay in an soo galo Xarunta,ilaaladeyda waa leyga reebay oo waxaa leygu yiri Wasiirka Amniga ayaa amray in ilaalada lagaa reebo goormee wax qabsanayaa waxab kama jiraan eedeyntaas ayuu yiri Gudoomiye Jawaari”

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media