Dhageyso:-Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay mooshinkii ay xildhibaanada ka gudbiyeen

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka qeyb galayay Kulan deg deg ahaa oo ay yeesheen Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay mooshinkii laga gudbiyay.

Waxa uu sheegay in mooshinkii uu dhamaaday,isla markaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Maanta muujiyeen Dimuqraadiyad iyo dowladnimo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maalinta Sabtida ah wixii ka dambeeya Golaha Shacabka Soomaaliya ay geli doonaan Shaqooyinkooda caadiga ah,lona baahan yahay in ay is cafiyaan.

Kulan deg dega ahaa ee Guddiga jogtada Golaha Shacabka soomaaliya ayaa looga hadlay mooshinkii ay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen gudoomiye Jawaari balse la waayay tiradii loo baahnaa taas oo keentay in Guddigu ay laalaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media