Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in marnaba aysan suurtagal aheyn in amniga Magalada Muqdisho uu faraha ka baxo,isla markaana maalin walba dad lagu dilo.
Waxa uu sheegay in uu bilaabanayo la-xisaabtan dhanka amniga ah,isla markaana Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir lagula xisaabtami doono Amniga Muqdisho.
“Suurtagal maahan in maalin walbaa amniga magaaladaan uu xumaado,wax badan ayaan ku taameynay in amniga magalada lagu wareejiyo guddoomiyasha degmooyinka manta ayaad heysataan laakin waa in aan idin kula xisaabtanaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa uu ka sheegay barnaamijka lagu xoojinayo qorshaha daadajinta hanaanka sugida amniga muqdisho , ee heer degmo oo xalay lagu qabtay Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.