Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xali Ismaaciil Xaliimo Yarey ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan xisbiy tiro badan oo la siiyay shahadada KMG ah si xisbiyadaas ay ugu diyaar garoobaan doorasho hase’ahaatee anay u muuqan diyaar garoow ay sameynayaan xisbiyada oo dhan sida ay hadalka u dhigtay.
Waxa ay sheegtay in ay jiraan shuruudo badan oo horyaala xisbiyada si ay u noqdaan kuwa sharci ah oo doorashada u gudbi kara loona baahanyahay in ay sii diyaar garoobaan xisbiyada dalka ka jira si loogu aqoonsado in ay ku jiraan diyaar garoow iyo u tartamid doorasho.
Gudomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in labada sano ku dhawaad laga joogo xiligii la bilaabay diiwaangelinta xisbiyada Siyaasadda laakin waxa ay cadaysay in aysan u muuqan xisbyo u diyaar garoobaya doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Xisbiyada ayay ku eedeysay in marka ay is diiwaangeliyaan ay horay ka bilaabayaan waxa ay ugu yeertay borobogaando u eg in ay ku jiraan ololaha doorashada halkii ay aheyd in ay soo buuxiyaan shuruudaha kale eel oo baanayahay.
Halkaa Ka Dhageyso Codka