Dhageyso:-Gudoomiyaha Gobolka Sool Puntland”Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa,Shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo laas-Caanood”

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland Cabdiraxman Abuubakar Geelle ayaa sheegay in Shacbaka ku nool Magalada laas-Caanood ay ka hor-istaageen Madaxweynaha soomaaliland in uu galo Magaaladaas.

Waxa uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu xirnaa Jaakad bir ah ee aan xabadu Karin,isla markaana Shacabka Magalada laas-Caanood ay banaanbax kala hortageen,una diideen inuu Magalada gudaha u galo.

Hayeeshee uu sheegay in meel banaanka magalada ah uu ku hakaday kadibna uu tegay Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland.

‘Muuse Biixi jaakada xabada ayuu xirnaa, shacabka ayaana u diiday inuu gudaha u galo Laascanod ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa weli waxa uu booqashoyin ku kala bixinayaa deegaanada Bari ee Soomaaliland,waxaana shalay uu tegay deegaanka Tukaray oo ay iskuhor-fadhiyaan Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor