Dhageyso:-Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka hadlay howlgalka xasilinta Amniga Muqdisho

Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgallo joogto ah ka wada caasimadda Muqdisho gaar ahaan isgoysyada iyagoo mid mid ubaaraya gaadiidka raaxada iyo kuwa dadweynaha.

Howlgalka ay ciidamada xasilinta wadaan ayaa u muuqda mid sii xoogeysanayay 24kii saacadood ee la soo dhaafay madaama lagu jiro maalmo intabadan ay Alshabaab ku soo beegi jireen weearardooda.

Ciidamada Xasilinta ayaa markii ay baaritaanka ku guda jiraan ula macaamilaya dadka si asluubeysan iyaga oo hubinaya dadka saaran iyo hadii ay jiraan hub ama qarax lagu dhex qariyay gaadiidka ay baarayaan.

Ciidamadan oo qaarkood ay afka u duuban yihiin ayaa  xira wadooyinka waaweyn e magaalada iyadoo baaritaan iyo joojin ku sameeya gadaiidka, waxaana la arkaa iyagoo xilligada habeenkii howlgal ku jira.

Maalaayiinta soomaliyeed eek u dhaqan Muqdisho ayaa intooda badan bogaadiyay howlgalka xasilinta xcaasimada inkastoo ay hada suulagayaan marka baaritaanka socdo sida ay wadooyinka isugu xirmaan maadama dadka ay yihiin danleey.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in laga gaaray dantii laga lahaa howlgalka xasilinta amniga Muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media