Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xumad oo shalay soo gaaray Muqdisho, iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiin kale ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Baladweyne.
Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan Munaasabad isbedel loogu smeynayo ciidamada Jabuuti ee ka mid ah howlgalka Amisom.
Madaxweyne Waare oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay siweyn uga qeyb qaadan doonaan soo dhaweynta Wafdiga Maanta tegaya Baladweyne.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Waare.