Gudoomiyaha degmada Balan-bal ee gobolka Gal-gaduud Jaamac Xeyle ayaa ka horyimid hadal dhawaan warbaahinta qaar ee warisay oo ku aadanaa in kulan uu ku dhexmaray magaaladaasi Ahlu-sunna iyo saraakiil ka socotay Ethopia, halkaasina Hub ay kula wareegtay Ahlu-sunna, gudoomiyaha oo u uwaramay Radio Dalsan ayaa beeniyey warkaasi kuna tilmaamay mid ka fog xaqiiqda.
Gudoomiye Jaamac Xeyle ayaa tilmaamay in maamulka gobolada Dhexe ee Ahlu-sunna uusan joogin degmadaasi shaqana aanu ku laheyn maamulka ka jira Balan-bal, balse maamulka Galmudug uu ka taliyo degmadaasi.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.