Dhageyso:-Guddoonka Golaha Shacabka oo u digay Xukuumadda sheegayna in lala xisaabtamayo

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in Sharciyo aan la soo marsiin Xildhibaannada Golaha Shacabka uusan dalkaan Soomaaliya ka Shaqeyn doonin.

Guddoomiye Muudeey ayaa uga digay Xukuumadda in ay soo fagaeliso Shaqooyinka u yaalla Baarlaamanka Soomaaliya,waxa uuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay la xisaabtami doonaan Xukuumadda si ay Shaqadooda u qabsato.

Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Shaqa kasta oo la qabanayo ay xildhibaanada ka bilaabato kuna dhamaato sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Soomaaliya ahna kusimaha guddoomiyaha Cabduweli Ibraahim Muudeey ayaa imaanaya xili Xukuumadda Ra’iisul Wasaare kheyre lagu eedeynayay in ay faraha kula jirto howsha Golaha Shacabka.

Hoos Ka Dhageyso Codka guddoomiye Muudeey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media