Shalay gelinkii dambe ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay mooshin xilka qaadis ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacbaka,waxana taasi keentay inay ku kala qeyb samaan Guddoonka Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Golaha ayaa sharcidaro waxa ay ku tilmaameen mooshinkaas,iyaga oo sheegay in xilligaan uusan ansax aheyn in mooshin laga gudbiyo Madaxweynaha.
Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cadalla Cawad ayaa sheegay in xilligaan aysan sharci aheyn in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu qabto mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya,maadaama sida u sheegay aysan wadanka ka dhisneyn Maxkamad Dastuuri ah.
Tan ayaa u muuqata inay ku kala qeyb samaan mooshinkaas Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qabtay iyo Guddoomiye ku xigeenada golaha Shacabka.
Dhageyso Codka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka.