Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj,kaasi Jugtiisa laga maqlay Xaafado badan oo ku yaalla Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,isla markaana waxaa uu ahaa mid lagu waday Mooto Bajaajta sida ay sheegeen Saraakiisha hay’addaha amniga dowladda.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuux iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa kormeer ku tegay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Sidoo kale Guddoomiye Tuulax oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas la doonayay in lagu dhibaateeyo ummada Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Miuqdisho,hayeeshee Darawalkii Mootada bajaajta ay kula qaraxday Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid,isla markaana uu ku geeriyooday ruuxii saarnaa oo kaliya.
Isaga oo sii hadlaayay Tuulax ayuu sheegay in Ciidanka amniga ay markii hore ay istaajiyeen Mootada,balse daqiiqado kadib ay qaraxday,isagoo xusay in Mootada uu saarnaa Dharka Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Bac lagu soo riday.
Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari,kaasi oo ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
 Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Axmed Tuulax.