HomeWararDhageyso:-Guddoomiye ku xigeen ka tirsanaa Maamulka G/Hiiraan oo is casilay

Dhageyso:-Guddoomiye ku xigeen ka tirsanaa Maamulka G/Hiiraan oo is casilay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in uu goordhow is casilay guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan oo lagu Magacaabo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy. Wareysi uu siiyey Radio Dalsan ayuu ku sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeyso kadib markii  aan lagala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in uu goordhow is casilay guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka gobolka Hiiraan oo lagu Magacaabo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy.

Wareysi uu siiyey Radio Dalsan ayuu ku sheegay is casilaadiisa in ay ka dambeyso kadib markii  aan lagala tashan waqtigii xilkaas loo Magacaabayay iyo in aysan ku qanacsaneyn Beesha uu ka soo jeedo saida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in isaga oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan uu ka warhelay xilka Maamulka iyo maaliyadda in loo magacaabay isaga oo aan ka warheyn sidaasina ay ku timid is casilaadiisa.

Waxaa wax laga weeydiiyey in is casilaadisia ay ku lug leedahay khilaafka ka dhexjira hoggaanka Maamulka gobolka Hiiraan waxa uuna sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn balse Shaqsiyan markii uu wadatashi la sameeyey Waxgaradka Beeshiisa uu go’aan saday in uu is casilo.

Is casilaada guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin Garbooy ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan isaga oo shuruud ku xiray wareejinta xilkii guddomiyenimo wallow ay dhacday Xaflad uu guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan xilka kula wareegay,isaguna uu ka maqnaa.

- Advertisement -

W/Q:- Cabduqaadir Jakaarta

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo Xuseen Cismaan Muumin Garbooy  dhameystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts