Dhageyso:-Guddoomiye Axmed Meyre”Saameynta fatahaada Wabiga waa mid aan waxba ka qaban Karin”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaaraan ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle ee mara gobolkaas in dhibaatooyin baaxadw eyn uu u geystay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in dhibaatada uu Wabiga u egystay laba ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ay tahay mid aan waxba lag qaban Karin waqtigaan,isla markaana u baahan in waqti iyo dadaal badan la geliyo.

Guddoomiye Axmed Meyre Makaraan ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka ka jira Gobolka Shabeellaha Dhexe uu geystay Wabiga Maamulka hir-Shabelle uu ka tan weyn yahay loona baahan yahay in Shacabka Shabeellaha Dhexe lagarab qabto.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka in gurmad dhinacwalbo ah lasoo gaaran Shacabka uu saameeyey fatahaada Wabiga ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sikastaba Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa uu ka mid yahay gobolada uu fatahaada Wabiga ka sameeyey,waxa uuna saameyn ku yeeshay Qoysas farabadan kuwaas oo haatan ku hoyanaya goobo nafsad aan lagu aamini Karin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaaraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media