Dhageyso:-Guddoomiyaha G/Banaadir oo farriin u diray Shacabka Muqdisho

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shacabka iyo maamulka degmada Waaberi wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxuna ku dhiirigeliyey in la sii xoojiyo iskaashiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, Xoghayaha Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha afarta Degmo ee Waabari, XamarJajab, Hodan iyo Howlwadaag ayaa wadajir uga qeyb galay afur wadareed ay shacabka degmada Waaberi u sameeyeen masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Mudane Yarisow ayaa bulshada Waaberi u sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ay la qeybsanayaan marxalad kasta oo ay ku sugan yihiin. Isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in wax walba lagu wajaho iskaashi iyo isku xirnaan bulsho.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan gaar ah siinayo isku xirnaanta shacabka iyo maamulka, gaar ahaan arrimaha Diriseynta oo qeyb weyn ka qaadanaya amniga, waxuna ugu baaqay bulshada Caasimaddu in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaanka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Yariisow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media