Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shalay waxa ay ka dhawaajiyeen in aan la ogeyn halkii ay ku baxday lacag aad u farabadan oo baarlamaanka soomaaliya loo arruurin jiray,isla markaana laga doonayo in guddoomiyaha uu baaritaan ku sameeyo.
Kulankii Golaha Shacabka ayuu shalay shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,waxa uuna sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya laga sugayo in baaritaan dhab ah uu ku sameeyo halka ay lacagtaas ku maqan tahay.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanka soomaaliya ay isaga ka sugaan in uu soo cadeeyo lacagtaas oo gaareysa Afar Boqol iyo Afartan Kun oo dollar,isla markaana uu jawaan deg deg ah siin doono.
Lacagtaas ayuu sheegay in ay aheyd mid bil walba mushaarkooda Xildhibaannada lag jari jiray $100 Bishiiba tan iyo Sanadkii 2017.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.