Dhageyso:-Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Digniin u diray Senatarada

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu Digniin u diray Senatarada ka tirsan Aqalka Sare,kadib markii Maanta uu baaqday kulankii Aqalka sare.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax Macquul ah aysan aheyd in Senatarada qaar ay soo xaadiraan Xarunta Golaha goor hore,halka qaar kalena ay iska soo daahan,isla markaana waxaa uu u mahaceliyay Xildhibaanadii Maanta soo xaadiray kulanka.

“Macquul Maahan in Senatarada qaar ay soo xaadiraan Subixii xilli hore yimaadaan,qaarna ay soo daahaan,Mana la aqbalayo”ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa uu Senatarada Aqalka sare u sheegay in looga baahan yahay Xarunta in la yimaado saacada markii ay tahay 09:00 Subaxnimo ilaa 10:00 lagu soo xaadiro si aysan u dhicin kooram la’aan.

Halka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu yimid,kadib markii Maanta uu Kooram la’aan u baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Aqalka sare ee dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka Guddoomiye Cabdi Xaashi.

 

Comments
Loading...