Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray wafdigii Xukuumadda Soomaaliya u xilsaartay in ay gurmad la gaaraan dadkii ku waxyeeloobay fatahaadii uu sameeyey Wabiga Shabeelle.
Wafdiga guddiga ayaa waxaa wehlinayay Safiirada Wadamada Qatar iyo Turkiga,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo sidoo kale xildhibaano,iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir,waxana Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ay ku wareejiyeen lacag ka timid Maamulka gobolka Banaadir.
Raรขโฌโขiisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuled Khadar ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay waqti badan gelisay sidii dadka Baladweyne ee uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle loogu gurman lahaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku deeqday (Boqol Milyan) oo dollar laakin Maanta ay Maamulka Gobolka Banaadir ka wadaan deeq lacageed oo agareysa 100,000 oo Dollar si loogu samatabixiyo dadka ka barakacay Magalada Baladweyne,iyaga oo ku wareejiyey Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wafdiga waxa uu Warbixin ka siiyey xaalada dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Magalada Baladweyne,isaga oo uga mahad celiyey Guddiga deeqdaan lacagta ah oo ay ku wareejiyeen.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Raรขโฌโขiisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Madaxweynaha Hir-Shabeelle kana Daawo Sawirrada.