Dhageyso:-Guddiga doorashooyinka oo Diiwaangeliyey Saddex Xisbi Siyaasadeed+Sawirro

Xisbiyada maanta Shahaadooyinka la siiyay ayaa kala ah Xisbiga wadajir, Xisbiga cadaaladda iyo Midnimada Iyo Xisbiga Samo.

Kamaal Guutaale oo ka hadlayay Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta gudiga ee magaalada Muqdisho ayaa xusay isaga oo ku hadlayay magaca xisbiyada maanta la diiwaan galiyey in ay Bulshada Soomaaliyeed ahmiyad wayn u leeyahay nidaamka xisbiyada badan oo dalka ka hirgalaya.

Xaliima Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Iyana xustay in diiwaan galintan ay tahay mid KMG, lana dhamaystirayo dhawaan shuruucda doorashada dalka oo qeexaysa hanaanka loo marayo meel marinta kama dambaysta ah ee Xisbiyada.

Horay gudiga doorashooyinku waxa uu diiwaan galin KMG ah siiyay 7-Xisbi, taas oo marka 3-da maanta la diiwaan galiyey lagu daro ka dhigaysa 10-Xisbi siyaasadeed oo aqoonsi KMG ah haysta inay dalka ka jiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media